Wakiilka Koulibaly oo tilmaamay in Daafucu diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo dhanka Horyaalka Ingiriiska

(Napoli) 21 Feb 2019.   Wakiilka daafaca kooxda Napoli ee waddanka Talyaaniga Kalidou Koulibaly ayaa tilmaamay in laacibku diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo dhanka Horyaalka Ingiriiska, isla markaana dhegeysto dalabyada Manchester United iyo Chelsea.

Bruno Satin waxa uu sheegay inuusan fileyn in Koulibaly uu ku biiri doono xafiltan ciyaareedku ka dhexeeyo ee Napoli ee Juventus oo kaddib markaa uu noqon doono mid khiyaamay kooxdiisa Napoli.

“Koulibaly tan iyo markii uu ku soo biiray Napoli oo uu ka yimid Genk 2014  waxa uu ahaa mid daacad u ah Napoli, waxa uu aad ugu dhow yahay naadiga iyo taageerayaasha Napoli” ayuu Satin u sheegay Radio ‘Kiss Kiss’.

Dhanka kale kooxaha Manchester United  iyo Chelsea ayaa ku tartamaya helidda daafacan reer Senegal ee ka mid ah kuwa ugu fiican Qaaradda Yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close