Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo la ganaaxay

(Liverpool) 21 Feb 2019.  Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ayaa waxa uu ganaaxay tababaraha kooxda Liverpool ee waddanka Ingiriiska Jurgen Klopp kaddib markii uu hawada u mariyay garsoorihii kulankii ay barbar dhaca la galeen kooxda Westham 4 Febraayo 2019.

Klopp ayaa lagu ganaaxay 45,000 oo giniga istarliinka ah (58,000 oo dollar) kaddib markii tababaraha jarmalka oo ka careysan gool laga diiday weeraryahanka naadigiisa Sadio Mane ciyaartii West Ham uu tilmaaay inuusan Offside ahayn ee garsoore Kevin Friend ugu talo galay.

Tababaraha Liverpool ayaa aqbalay arrintan lagu soo eedeeyay, waxaase wareysigii uu bixiyay dhammaadkii kualnkaasi ee uu siiyay Sky Sports ka mid ahaa “Waqti fiican ayaan qaadanay, gool ayaan dhalinay laakiin offside ayuu ahaa, balse waxaan filayaa in garsooruhu sii ogaa qaybtii hore ee ciyaarta, waxaadna arki kartay waxyaabo badan oo yaab leh oo ciyaartaasi ka dhacay”.

Xiriirka Ingiriiska ee FA-ga ayaa sheegay in hadalladaasi Klopp ku hadlay ay su’aal gelinayeen hufnaanta garsooraha, waxaana loo cuskaday xeerka FA-ga E3(1).

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close