Maxaa ka jira wararka sheegaya in Manchester United ay la xiriirtay weeraryahan Luis Suarez?

(Barcelona) 21 Feb 2018.   Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo sheegayaa in ay la xiriirtay weeraryahanka kooxda Barcelona iyo xulka Uruguay Luis Suarez.

Warsidaha ‘Diario Gol’ ayaa qoray in Manchester United ay la xiriirtay Suarez oo 32 jir ah, kaasoo si fiican ula qabsaday Barcelona tan iyo markii uu ku soo biiray, waloow 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartammada kala duwan uu Barcelona u dhaliyay 2 gool.

Barcelona ayaa warku intaa ku darayaa in ay iyada xitaa rabto in ay xagaagani iska iibiso Suarez oo intii uuu qaban karay u qabtay, inkastoo la timaamayo in Suarez uusan aqbali doonin codsi kaga yimaada Manchester maadaama uu u soo ciyaaray kooxda ay United xafiltamaan ee Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close