Mane oo la dhacay intii uu ciyaarayay kulankii Champions League ee Bayern Munich, waana markii labaad oo sidan lagu sameeyo isagoo ku ciyaaraya Anfield….(Maxaa laga qaatay?)

(England) 21 Feb 2019. Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa la dhacay intii uu ciyaarayay kulankii Champions League ay kooxdiisu bar-baraha 0-0 la gashay Bayern Munich lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Waa markii labaad oo la jabsado guriga laacibka Afrikaanka ah isagoo ciyaaraya kulan Champions League ah.

Tuugada ayaa u dhacday guriga Mane oo ku yiilay Allerton, Koonfurta magaalada Liverpool intii u dhaxeysay 6pm ilaa 11.45pm  habeenkii talaadada markaa uu laacibka ciyaarayay kulankii Champions League ay Reds bar-baraha goolal la’aanta la gashay Bayern.

 The Senegalese attacker has been burgled TWICE while featuring for Liverpool in the Champions League

Waxyaabo ay ka mid yihiin Saacado, Taleefanada gacanta iyo furayaal baabuur ayaa lagala baxay guriga Mane.

Booliska ayaa ku raad jooga arrinkan oo baaritaano ku haya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la jabsado guriga 26-jirka, sidaan oo kale isagoo ciyaaraya kulan Champions League ay Liverpool Anfield kula yeelatay Maribor 2007-dii ayaa loo dhacay gurigiisa, tuugadii ayaana carartay mar ay Gabar ku qeylisay inay Booliska wici doonto haddii aysan meesha ka tagin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close