“Iga raali noqo Xabiibti mardambe ma sameyn doono Qaladkan oo kale.”.

(Engnland) 21 Feb 2019. Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ayaa raali galiyay gabarta u alkuman kaddib markii uu haweeney kala la jaan qaaday xilli ay xaamilo ahayd Melanie da Cruz.

Laacibka reer France ayaa waxay fariimo is dhaafsanayeen gabarta dharka xayaysiisa ee Malika Semichi iyadoo ay jirtay in Da Cruz ay ahayd xaamilo sideed bilood ah.

Malika oo ay ku kulmeen meel lagu caweeyo oo ku taala faransiiska ayaa la sheegay inuu xitaa 20-jirka si sharci darro ah kula jiiftay Hotel ku yiilay Paris.

Anthony Martial issued an apology to his fiancée Melanie da Cruz on Instagram

Inkastuu Martial baraha bulshada ku beeniyay sheekadan bishii December ee la soo dhaafay ayuu misane iminka Fariin raali galin ah soo dhigay Instagram.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan qaraabadeyda, Qoyskeyga qurxoon iyo waliba gaar ahaan gabarta ii alkuman ka raali galiyo waxyeelada aan gaarsiiyay bilooyinkii dhawaa,” Martial ayaa sidaa yiri,

“Waxaan sameeyay qaladaad waana ka xumahay, mar dambe ma dhici doonto.”.

 Melanie da Cruz ayaa u dhashay Martial gabar loo bixiyay Swan, bishii July ee la soo dhaafay waana canugoodii ugu horreeyay.

United star Martial hit out at reports last December that he had been unfaithful 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close