Atletico Madrid oo toddobaadka soo socda heshiiska u kordhinaysa goolhaye Oblak mushaar fiicanna siin doonta

(Madrid) 21 Feb 2019.   Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee waddanka Spain ayaa lagu wadaa isbuuca soo socda in ay heshiiska u cusbooneysiiso goolhayeheeda Jan Oblak oo heshiiskiisa haatan ku eg yahay 2021.

Wargeysyada Spanish-ka oo ay ugu horreyaan ‘Marca’ iyo ‘AS’ ayaa qoray in goolhayahan Slovenian-ka ah uu qallinka ku duugi doono qandaraas cusub, isla markaana Atletico siin doonto mushaar u dhexeeya 10-12 milyan oo Euro.

Goolhaye Oblak oo 26 jir ah iyo naadigiisa ayaa horey isugu afgartay heshiiskan sida warku sheegayo, waxaana heshiiskiisa haatan oo lagu burburin karo 100 milyan oo Euro la kordhin doonaa iyadoo la gaarsiin doono 150 milyan oo Euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close