Chelsea oo ciqaabtay Malmoe iyo Inter Milan oo ku raaxeysatay Rapid Wien +Sawiro

(Yurub) 22 Feb 2019 Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda ku marti qaaday kooxda Malmoe kulan ka tirsan lugta labaad ee wareega 32-koox ee tartanka Europe League .

Bules ayaa garoonka soo gashay iyaga oo heysta natiijo wanaagsan madaama ay soo adkaadeen kulankii lugta koobaad oo ka dhacay ciida Sweden .

Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaaday bareejo labada koox ayaana awoodi waayey in ay gool iska dhaliyaan .

Nasiino kaddib waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta , kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayey ee Chelsea ayaa dhalisay gool waxaana u dhaliyey Giroud daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas ka caawiyey Willian.

Wiilasha macalin Sarri ayaa ayaa sii watay dhalinta goolasha waxana yimaaday labo gool oo kale oo ay kala dhilayaan xidigaha kala ah Barkley iyo Colome Hudson-Odoi , natiijada ciyaarta ayaa noqotay (3-0).

Ugu dambeentii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay (5-1) oo ah wadarta goolasha labada kulan , Bules ayaana xaqiijisatay booskeda wareega 16’ka .

Dhinaca kale kooxda Inter milan ayaa dhankeeda ciyaar xiiso badan la yeelatay kooxda Rapid Wien kulan lowgu soo baxayey wareega 16-ka .

Inter ayaa guul raaxo leh ka gaartay kooxda Rapid Wien ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 5-0  oo ah isku dar labada kulan goolasha ay ka dhaliyeen waxa ayna xaqiijiyeen in ay u gudbeen wareega xiga ee tartanka.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close