Real Madrid oo laga soo diiday Racfaankii ay ka gudbisay Ramos iyo laacibka oo seegi kara Final-ka

(Europe 20 Feb 2019. Real Madrid ayaa ku guul darreysatay racfaan ay ka gudbisay kabtankooda Sergio Ramos kaddib Jaalihii uu qaatay lugta hore ee semi-final ka Copa del Rey ay la ciyaareen Barcelona.

Haddii uu Ramos qaato jaale kale lugta labaad, wuxuu seegi doonaa Final ka waa haddii ay soo gudubto Los Blancos iyadoona wajihi doonta midkood Valencia ama Real Betis.

Suurogalnimada inuu Ramos Ganaax ku seego Finalka Copa del Rey waxaa u dheer inuu seegi dono lugta labaad wareega Champions League ay ku wajahayaan Ajax iyo waliba sidoo kale kulanka La Liga ay u safrayaan Levante.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close