Kooxda Liverpool oo heshiis la saxiixatay weeraryahan da’yar ah

(Liverpool) 20 Feb 2019.  Naadiga Liverpool ayaa waxa ay maanta heshiis la saxiixdeen weeraryahanka da’da yar ee Paul Glatzel, kaas oo qandaraaskiisan uu noqonayo kii ugu horreeyay ee dhanka heerka kooxaha waaweyn.

Waa 18 jir u ciyaarayay kooxda Liverpool ee Barry Lewtas ee da’doodu ka hooseyso 18 sanadood, waxaana uu toddobaadkan u dabaal degay sanad guurada dhalashiisa ee 18-aad.

Glatzel waxa uu ku soo biiray kuliyadda ciyaaraha Liverpool isagoo da’diisu ka yar tahay 9 jir, waxaana uu ku dhashay Liverpool, iyadoo ay iska dhaleen waalidiin Jarmal ah.

Ciyaaryahan Glatzel ayaa heysta labada jinsiyadood ee Ingiriiska iyo Jarmalka isagoo u soo ciyaaray xulalka da’yarta Jarmalka iyo Ingiriiska.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close