Harry Kane oo ka soo bogsooday dhaawicii uu ku maqnaa tababarkana la bilaabay kooxdiisa Tottenham

(London) 20 Feb 2019.   Weeraryahanka kooxda Tottenham iyo xulka Ingiriiska Harry Kane oo dhaawac canqowga ah kaga maqnaa garoommada tan iyo markii ay guuldarrada kala kulmeen Mancheste United 13 Janaayo ayaa haatan mar kale ku soo laabtay garoommada.

Kabtanka Ingiriiska oo 20 gool u dhaliyay Tottenham dhammaan kulammada kala duwan ee xilli ciyaareedkan ayaa la filayay in uu ciyaaraha ku soo laabto illaa Maarso, isagoo haatan xoogaa yar ka soo hor maray.

Soo bogsashada Kane ayaa waxa ay wax weyn ku soo kordhinaysaa Tottenham oo kaalinta 3-aad kaga jirta kala sarreynta kooxaha Ingiriiska isla markaana doonaysa in ay xilli ciyaareedka soo socda boos fiican ka hesho tartammada Yurub.

Kooxda Tottenham waxa ay Sabtida 23.02.2019 la ciyaari doontaa kooxda Burnley, halka sidoo kalena 27.02 ay kulan adag la yeelan doonto Chelsea kaasoo uu u xigi doono 02.03.2019 ciyaar xiiso leh oo ay garoonkeeda ku marti gelin doonto kooxda Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close