Gareth Bale wuxuu doonayaa Manchester United balse Real Madrid waxay la doonaysaa inuu ku biiro Chelsea si ay u hesho…

(Madrid) 20 Feb 2019.   Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee waddanka Spain ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso laacibkeeda u dhashay Wales Gareth Bale, hase yeeshee Bale ayaa doonaya Manchester United halka kooxdiisuna rabto inuu ku biiro Chelsea.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa tilmaamaysa in Madrid ay ku iibin doonto bidixlaha reer Wales 170 milyan oo dollar, iyadoo qorshaynaysa in ay ka iibiso Chelsea si ay uga soo qaadato diyeeshaha Belgium Hazard.

Muddo dheer ayay Manchester United daba eryanaysay Gareth Bale oo 2013-kii Real Madrid 112 milyan oo dollar kaga soo qaadatay kooxda Tottenham.

Haddii ay rumowdo in Bale oo 29 jir ah suuqa la soo dhigo xagaagani waxaa Manchester United ay diyaar u tahy in ay lacag kaash ah ku bixiso helitaanka xidiggani.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close