DAAWO MUUQAALKAN: Waxaa xitaa soo SHARE-gareeyay Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump..!!

(World) 20 Feb 2019. Waxaa baraha bulshada qabsaday haweeneey African ah oo si cajiib ah kubbada u Baleejeynaysa.

Muuqaalka oo wax yar yiilay Twitter ka ayaa waxaa daawaday Malaayiin Ruux oo waxaa xitaa soo share gareeyay Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.

Donald Trump aya soo share gareeyay muuqaal uu Twitter ka soo dhigay  Akin Sawyer isagoona raaciyay “Cajiib’.

Sheekadan lagu qoray The Sun ayaa lagu yiri in Haweeneyda Madowga ah ay ka xirfad badan tahay ciyaartoy badan oo ka ciyaarta Yurub iyadoo tusaale loo soo qaatay Ousmane Dembele markii ay soo bandhigeysay Barcelona 2017.

Xiddiga reer France ayaa wax yar xitaa baleejeyn waayay kubbada halka haweyneyda ay 150-jeer kubbada taabatay iyadoon dhulka ka taaban oo iyadaa iskeeda u joojisay oo waxay xitaa awooday inay wax badan sii wado.

9.2-milyan oo jeer ayaa la daawaday muuqaalkan inta yar uu yiilay Baraha Bulshada, waxaana intaa dheer in Twitter-ka looga soo hadlay 116,000-jeer iyadoona Like la saaray 390,000-jeer.

DAAWO Muuqaalka Dunnida qabsaday:


Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close