Atletico Madrid oo garaacday Juventus iyo Man city oo guul dirqi ah ka gaartay Schalke 04 +SAWIRO

(Yurub ) 21 Feb 2019 Kulamo ka tirsan tartanka champions league wareegiisa 16-ka ayaa caawa lagu ciyaaro garoomo ka tirsan Qaarada yurub waxaana fooda is daray kooxaha Atletico Madrid iyo Juventus halka kulan kale oo xiisa badan uu dhex maray kooxaha Scalke 04 iyo Man City .

Aan ku  horeeno kulanka xiisaga badan ee Atletico iyo Juventus oo ay soo xaadireen taageerayaal badan oo labada dhinac ka kal socday , kulanka ayaa ahaa mid xiiso badan waxa uunaa qeebtiisii hore ee ciyaarta lagu kala nastay bar baro gool la’aan .

Atletico oo garoonkeeda lagu ciyaarayey ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waxa ayna la soo shirtagtay saf aad u xoogan , balse dhowr isku day oo ay sameeyeen uma suura galin in ay gool ubadalaan .

Juventus oo u muuqata in ay difaac ku jirto marka loo fiiriyo qaab ciyareedkeeda qeebta koowaad ayaa iyaduna awoodi weysay gool qeebta koowaad .

Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bareejo , ciyaartoyda labada koox ayaana u huleelay qolka labiska si ay u soo qaatan waqti nasiino oo ay bar bar socoto talooyin ay ka soo qaataan macalimiintooda.

Waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta , xiisaha iyo xamaasada kulanka ayaana halkiisa ka sii bilaabmay .

Atletico Ayaa la Soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta waxa Anya la yimadeen labo gool oo yareysay hamigii Juve ee tartankan .

Atletico Ayaa labada goolba ka heshay daafacyadooda dhexe ee Gimenez iyo Godin.

Juve Ayaa loo diiday in ay gool ku dhaliyaan ciida Spain ciyarta ayaana oh idlaatay 2-0  .

Dhinaca kale kooxda Man City ayaa ciyaar xiiso badan la qaadatay kooxda Schalke 04 oo markan soo tiigsaday wareega 16-ka Champions League oo ay muddo ugu dambeysay .

City ayaa gool kala hormartay  Schalke waxana  goola u dhaliyey  weeraryahankooda Aguero dsqiiqadii 13-aad ee ciyaarta waxaana caawinteeda lahaa Devid Silva.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayey ee Schalke ayaa la timid goolka bar baraha ee ciyaarta waxa uuna ahaa gool rigoore ah waxaana u dhaliyey Bentaleb daqiiqadii 38-aad ee ciyaarta.

Inta aan loo gudbin qeebtii dambe ee ciyaarta City aya alaga dhaliyey goolkii labaad ee ciyaarta waxaana ka dhaliyey markale gool rikoore ah xidiga lagu magacaabo Bentaleb.

Qeebtii koowaad ee ciyarta ayaa sida lagu kala Maray , waxaana dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyarta waxaa calaamada casaanka loo taagay daafaca kooxda City ee Otamendi.

City ayaa waqti dambe heshay goolka bareejada waxaana u dhaliyey Sane oo gool la dhaliyey kooxdiisii hore .

Waqtigii dhimashada ee ciyarta City ayaa heshay goosha guusha ee ciyarta waxaana u dhaliyey Sterling, guy dambeen ciyarta yabaa oh idlaatau 3-2 oo ay guushu ku raacday City.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close