Maxaa ka soo baxay markii la is barbar dhigay Benzema iyo Messi markii mid waliba ciyaaray kulankiisii 300 ee La Liga ah?

(Madrid) 19 Feb 2019.  Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee waddanka Spain Karim Benzema ayaa gaaray kulankiisii 300 ee La Liga, isagoo kulammadaasi faraha badan ku dhaliyay 137 gool, waxaana uu noqday laacibkii 133-aad ee gaara kulankiisii 300 ee La Liga.

Waa horumar wanaagsan, balse taasi waxay ka dhigan tahay in Benzema uusan u dhoweyn rikoorkii ciyaartoyda Spanish-ka ka dheesha, waxaana jira ciyaartooy badan oo Horyaalka Spanish-ka soo maray kuwaasoo wacdaro dhigay oo qaarkood weli ay ciyaarayaan sida xidigga Barcelona Lionel Messi oo 300 kulan oo La Liga ah ku dhaliyay 286 gool sanadkii 2016.

Haddaba haddii aan soo qaadanno 7 ka mid ah halyeeyada taariikhda ka dhigay Horyaalka Spain iyo intii gool ee ay ku dhaliyeen kulammadoodii 300, inta horyaal ee ay muddadaasi ku guuleysteen si aan u eegno halka uu ka galayo Benzema ayaa waxay kala yihiin;

Benzema: 300 kulan (welina wuu ciyaarayaa)

Goolasha: 137 gool (welina wuu shaqeynayaa)

Waxa uu Real Madrid la qaaday laba Horyaal; 2011/2012 iyo 2016/2017.

Raul Gonzale: 300 kulan

Goolasha: 155 gool

4 Horyaal ayuu la qaaday Real Madrid (1994/95, 1996/97, 2000/01, 2002/03).

Fernando Morientes: 316 kulan

Goolasha: 123 gool

Waxa uuna uu hantay 2 Horyaal; 2000/01 iyo 2002/03

David Villa: 316 kulan

Goolasha: 173 gool

Horyaallada uu kula guuleystay kooxdiisii Barcelona waa 2010/11 iyo 2012/13.

Aritz Aduriz: 310 kulan (welina wuu ciyaarayaa)

Goolasha uu dhaliyay (106 gool)

Kooxo dhowr ah oo Spanish ah ayuu u soo ciyaaray, balse waxa uu waqti badan la qaatay kooxda Athletic Bilbao oo uu illaa iyo haatan u ciyaaro, welina ma uusan qaadin wax Horyaal ah.

Lionel Messi: 315 kulan (welina ciyaaraha wuu ku jiraa)

Goolasha: (286 gool)

Markii uu 315 kulan marayay waxa uu Messi Barcelona la qaaday 7 Horyaal (2004/05, 2005/06, 2008/09, 2009/10, 2010/11, 2012/13, 2014/15).

Haatan Lionel Messi waxa uu Barcelona u saftay 440 kulan ciyaareed, isagoo u dhaliyay 405 gool.

Fernando Torres: 321 gool (welina ciyaaraha kama fariisan)

Goolasha: 109 gool

Wax horyaal Spanish ah kuma guuleysan, waxaana El Nino uu ahaa xiddiggii ugu da’da yaraa ee kabtan u noqda Atletico Madrid aadna waa looga jeclaa intii uusan aadin kooxda Chelsea ee Ingiriiska.

Antoine Griezmann: 308 kulan (welina Atletico Madrid ayuu u safanayaa)

Goolasha: 167 gool, wax Horyaal ahna kuma guuleysan.

Dhanka kale waxaa jira xiddigo aan 300 kulan buuxin oo intii aysan darajadaas gaarinna ka tegay naadiyadooda sida Cristiano Ronaldo oo 292 kulan ku dhaliyay 311 gool, 3 horyaalna la qaaday Benzema intii uusan ka tegin Real Madrid kuna biirin Juventus.

Samuel Eto’o ayaa isaguna 280 kulan u dheelay Barcelona wuxuu dhaliyay 162 gool ka hor intii uusan sagootin Barcelona 2009-kii.

Compared: Karim Benzema vs. legendary La Liga strikers after 300 games

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close