Zidane oo qabanaya Xilka Chelsea haddii ay soo dhammeystiraan 3-dan Shuruud

(London) 18 Feb 2019. Zinedine Zidane ayaa diyaar u ah oo doonaya inuu qabto xilka tababaranimo ee Chelsea waa haddii ay soo dhammeystiraan saddex shuruud uu hordhigay.

SunSport ayaa usbuucii tagay daaha ka rogtay in maamulka sare ee Blues ay doonayaan Zidane kaa oo saddex Champions League oo xiriir ah la qaaday Real Madrid.

Waxay u badan tahay in Chelsea ay kooxda ka ceyrin doonto Sarri haddii uu wax koob ah ku guuleysan waayo xilli ciyaareedkan isla markaana uu kooxda keeni waayo afarta sare ee Premier League.

Yeelkeede, macalinka ay jamatay kooxda reer London ayaa isna doonaya inay ka soo dhalaalaan saddex shuruurd uu hordhigay si uu xilka ugu qabto.

Image result for Zidane Chelsea

1) In heshiis Cusub oo qaali ah laga saxiixo Eden Hazard si uu kooxda u sii joogo.

2) In farta laga saaro adduun dhan 200 milyan si uu shaxdiisa u shido oo uu xiddigo cusub u keensado.

3) Inuu Cod dheer ku yeesho shaqaalo qorista kooxda.

Sarri ayaa waxaa horyaala shaqo adag oo maanta ka bilaabaneysa marka uu FA Cup ku wajahoyo Manchester United iyadoo ayna ugu xigto kulanka Finalka Carabao Cup oo uu ku wajahayo Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close