Samuel Umtiti oo ku soo laabtay garoommada isla markaana ciyaari doona kulanka habbeen dambe ee Champions League

(Barcelona) 18 Feb 2019.  Daafaca xulka Faransiiska iyo kooxda Barcelona ee waddanka Spain, Samuel Umtiti ayaa dib ugu soo laabtay garoommada kaddib markii uu dhowr bilood ku maqnaa dhaawac jilibka ka gaaray.

Umtiti ayaa lagu daray liiska 21 ciyaartooy ee habeen dambe ka qayb geli doonta ciyaarta 16 dhammaadka Champions League ee Barcelona Faransiiska kula soo dheeli doonto kooxda Lyon.

Waxa uu Umtiti Camp Nou ka maqnaa tan iyo 24 November ee sanadkii la soo dhaafay, taasoo ahayd xilligii ugu dambeeyay ee uu ciyaar dheelay.

Laakiin warka aan wanaagsanayn ayaa ah in Barcelona uu dhaawac canqawga ka gaaray kaga maqnaan doono Thomas Vermaelen.

Kooxda Barcelona ee ka hor tagaysa Lyon :

Ter Stegen, Semedo, Piqué, Rakitic, Busquets, Coutinho, Luis Suárez, Messi, Dembélé, Malcom, Lenglet, Murillo, Jordi Alba, Boateng, Sergi Roberto, Arturo Vidal, Umtiti, Aleñá, Iñaki Peña, Jokin Ezkieta, Wagué.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close