Mustaqbalka Ozil oo shaki wayn soo galay kaddib markii uu ka tagay UK una duulay Turkiga….+SAWIRRO

(Europe) 18 Feb 2019. Mezut Ozil ayaa ka tagay UK isagoona u duulay dalka uu asal ahaanta ka soo jeedo ee Turkiga taa oo shaki wayn sii galisay mustaqbalkiisa Arsenal.

Tababaraha Gunners Emery ayaa la sheegayaa inuu horey si cad ugu sheegay kubbad qaabeeyaha reer Germany inuusan qorshihiisa ka mid ahayn isla markaana uu isaga  tago Kooxda.

Laacibka ugu mushaarka badan kooxda reer London ayaa ka biyo diidsan sheekadaa isagoona doonaya inuu baaqi ku sii ahaad Emirates si uu u muujiyo inuu isagu ka gar leeyahay tababaraha Cusub ee kooxda.

Yeelkeede, safarkii uu dhawaan Turkiga la aaday gabadha u alkuman ee  Amine Gulse ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa kooxda.

Ozil oo laga reebay safka Arsenal ciyaartii ugu dambeeysay Europe League ee laga adkaaday Gunners ayaa safar madax degsi ah u aaday dhulka uu asal ahaanta ka soo jeedo ee Turkiga isagoona ka qeyb qaatay Show TV laga leeyahay dalkaasi.

SAWIRRO:

Mesut Ozil has taken a break from his Arsenal nightmare with a weekend away in Turkey

The Gunners playmaker visited the set of a Turkish television show with girlfriend Amine Gulse

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close