Manchester United oo gaartay wareega siddeeda ee tartanka FA Cup, kadib markii ay adkaatay kooxda Chelsea + SAWIRO

(England) 19 Feb 2019 Waxaa soo dhamaaday kulan ciyaareedkii u dhaxeyey kooxah Chelsea iyo Manchester United kaas oo ka tirsanaa taratnka FA Cup wareegiisii shanaad , waxaana guul wax ku ool ah gaaray kooxda Man united .

United ayaa garoonka ku soo gashay qaab ciyaareed caajib ah qeebtii koowaad ee ciyaarta waxaana aad  lowga gacan sareeyey Bules  , gacan ku heentii  kulanka oo dhan waxaa la wareegtay Manchester .

Manchester united ayaa la timid goolkii koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey xidiga reer spain ee Ander Herrera daqiiqadii 31- ee ciyaarta waxaana goolkaas caawinteeda laaha Paul Pogba.

United ayaa sii wadatay duulaankeedii weerarka waxaa yimid gool kale  oo labaad waxaana shabaqa gaaray Paul pogba daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas ka caawieyey Marcus Rashford oo ka dhex muuqday kulanka .

Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay United oo hogaanka u heysa ciyaarta iyo ciyaartoyda Chelsea oo uu  ka muuqdo niyad jab aad u weyn , nasiino ka dib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta .

Chelsea ayaa sameesay isku dayo badan balse kooxda Manchester ayaa iska diiday in shabaqeeda gool laga dhalyo , United ayaana afar sano oo hore dhibane u aheyd  Bules madaama afartaa sano United laga reebayey tartankan FA cup .

ugu dambeen ciyaartii u dhaxeysay kooxaha Chelsea iyo manchester united waxa ay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda manchester .

 

 

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close