Giggs “Manchester United waa inay heshiis joogto ah oo dheer la saxiixataa Solskjaer waayo waa nin si fiican u garanaya naadiga”

(Manchester) 18 Feb 2019.   Laacibkii hore ee kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska, Ryan Giggs oo haatan tababare u ah xulka qaranka Wales ayaa maamulka kooxda MU ugu baaqay in ay heshiis joogto ah la saxiixdaan macallinka kumeel gaarka ah ee naadigaasi Ole Gunnar Solskjaer.

Giggs oo 45 jir ah waxa uu xusay in taaktikada iyo xiriirka wanaagsan ee Solskjaer kala dhexeeya ciyaartoyda Manchester United in ay horumar fiican gaarsiisay kooxda kulammadii la soo dhaafay.

Tababare Giggs iyo Tababare Solskjaer waxa ay 11 sanadood ka wada ciyaarayeen Old Trafford iyagoo ahaa laba saaxiibo oo ku wada guuleystay Koobkii Champions League 1999.

“muddo dheer Manchester United ma helin tababare ku haboon, laakiin haatan waxaan helnay shaqsi ku haboon oo si fiican u garanaya kooxda, lehna kaarto heer sare ah iyo xiriir wanaagsan oo kala dhexeeya ciyaartoyda iyo taageerayaasha, dhammaan waxyaabahaasina waa kuwo awood weyn u yeelaya MU” sidaa waxa uu Giggs maanta u sheegay wargeyska ‘The Guardian’.

Laakiin dhanka kale Solskjaer oo xilka tababarenimo ee Man U kala wareegay Jose Mourinho ayaa imtixaan adag maraya maadaama ay Manchester United caawa marti u noqon doonto Chelsea ciyaar ka tirsan FA Cup-ka Axaddana ay is haleeli doonaan kooxda Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close