Chelsea oo Caawa TAARIIKH dhigi doonta haddii ay ka adkaato Manchester United….(Waa maxay???)

(London) 18 Feb 2019. Chelsea ayaa caawa Taariikh sameyn doonta haddii ay afka ciida u darto Manchester United oo kula balansan mininkeeda Stamford Bridge wareega 5-aad ee FA Cup.

Ma ahan oo kaliya in Blues ay u soo gudbin doonto wareega sideed Dhammaadka ee koobka ugu qadiimsan England haddii ay ka adkaato Red Devils ee sidoo kale waxay noqon doontaa kooxdii ugu horreysay ebid oo 5-jeer oo xiriir ah tartanka FA Cup ka soo cirib tirta Manchester United.

4-jeer oo xiriir ay ayay horey uga soo cirib tirtay oo uu ka mid ahaa kulankii Final ka ee ugu dambeeyay, haddii ay caawa ka adkaatana waxay noqon doontaa kooxdii ugu horreysay oo United ka soo reebta FA Cup 5-jeer oo xiriir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close