“Waxaan ku noolaan doonaa wakhtiyo xun hadii….” – Gerrard Pique oo farriin aad u muhiim ah u diray saaxiibadiis Barcelona

(Barcelona) 17 Feb 2019. Difaaca kooxda Barcelona Gerrard Pique ayaa farriin aad u muhiim ah u diray saaxiibadiis kooxda Barcelona ka dib guushii ay xalay kaga gaareen Valladolid horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa guul kaga gaartay kooxda Valladolid 1-0, iyadoo uu goolka qura ahaa mid rigoore ah waxaana u dhaliyay daqiiqadii 43-aad ee qeybta hore ciyaarta Lionel Messi.

Hadaba Gerrard Pique oo isagu sabab u ahaa rigoorada ay heshay kooxda Barcelona ayaa ciyaarta kadib wuxuu farriin aad u muhiim ah u diray saaxiibadiis kooxda Barcelona.

“Si wacan uma ciyaarin, ma ahayn ciyaar wanaagsan”.

“Kaliya warka ugu wanaagsan ayaa ah guusha iyo seddexda dhibcood ee aan helnay, laakiin waa inaan hormar sameynaa”.

“Dareenka ma ahan mid fiican,Talaadada waxaan kaga hor imaan doonaa kooxda Lyon tartanka Champions League, waa inaan noqonaa kuwo fiican, hadii aysan sidaas noqonin waxaan ku noolaan doonaa wakhtiyo xun”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close