Valverde oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xidigaha Barcelona uu ula safri doono kulanka Lyon…. (Yaa Ka Maqan Yaase Ku Soo Baxay?)

(Barcelona) 17 Feb 2019. Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha Blaugrana uu ula safri doono kulanka habeenka Talaada ay kooxda Lyon Champions League.

Kooxaha Lyon iyo Barcelona ayaa habeenka Talaadada ku balansan inay ku wada ciyaaraan lugta hore wareega 16-ka tartanka Champions League garoonka Olympic Stadium.

Waxaa liiskan uu ku dhawaaqay Ernesto Valverde kasoo muuqday difaaca reer France ee Samuel Umtiti, kaasoo mudo fog ka maqnaa kooxda sababo la xiriira dhaawac dartiis.

Hadaba xidigaha liiskan ku soo baxay si ay kaga qeyb galaan kulanka Lyon ee tartanka Champions League ayaa kala ah:

Ter Stegen, Peña, Ezkieta, Semedo, Piqué, Lenglet, Umtiti, Alba, Wagué, Murillo, Sergi Roberto, Busquets, Rakitic, Coutinho, Malcom, Vidal, Ousmane Dembélé, Suarez, Messi, Boateng, Carles Aleñá.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close