Mohammad Bin Salman oo ku cadaadinaya milkiilayaasha Old Trafford inay 4.9 bilyan oo dollar kaga iibiyaan Manchester United

(Manchester) 17 Feb 2019.  Wararka ka imaanaya Ingiriiska ayaa sheegaya in dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudiga Mohammad Bin Salman uu ku rajo weyn ahay in riyadiisu u rumoowdo isagoo milkiilayaasha Manchester United ku cadaadinaya in ay ka iibiyaan naadigaasi.

Ilo wareedyo laga helayo gudaha Old Trafford ayaa sheegaya in Mohammad bin Salman uu ku cadaadinayo qoyska reer Glazer ee iska leh Manchester United inay kaga iibiyaan naadigan lacag gaaraysa 3.8 bilyan oo giniga istarliinka ah (4.9 bilyan oo dollar).

Reer Glazer mar walba waa ay dafiraan inay iska iibinayaan Manchester United, balse dalabka caynkan ah ayaa noqonaya mid faa’iido badan ku jirto oo ay adag tahay in si sahal ah lagu diido.

14 sanadood ka hor ayaa reer Glazer waxa ay (790 milyan oo gini) kula wareegeen Manchester United, waxaana haddii ay iska iibiyaan kooxda oo ay dalabka ka guddoomaan Mohammad bin Salman oo 33 jir ah ay noqonaysaa in ay faa’iidi doonaan 2.2 bilyan oo bilyan oo Pound.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close