Girona oo ku dubatay Real Madriid garoonkeeda Santiago Bernabéu+Sawiro

(Spain) 17 Feb 2019 Waxaa soo idlaaday kulan ciyaareedkii u dhexeeyey kooxaha Real Madrid iyo Girona oo ka tirsanaa horyaalka La Liga waxaana guul wax ku ool ah gaaratay kooxda Girona .

Madriid oo ku ciyaareysa garoonkeeda ayaa soo bandhigatay ciyaar cajiib ah iyaga oona beegsanayey mar walba goosha kooxda Girona .

Madrid ayaa dhalisay gool qeebtii koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Casemiro daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas caawintiisa lahaa Kroos.

Qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray Real oo hogaanka u heysa ciyaarta ,nasiino ka dib waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta .

Kooxda Girona ayaa la soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta waxaa ayna heleen golkii bareejada oo ahaa gool rigoore ah waxaana u dhaliyey Stuani daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta .

Girona ayaa sameesaya isku dayo kale oo aad u badan ugu dambeen waxaa u suura gashay in ay dhaliyaan gool kale waxaana shabaqa soo taabtay xidiga lagu magacaabo Portu , natiijada ciyaarta ayaana isku badashay 2-1 .

Girona ayaa cadaadis xoogan iska saartay Madrid , Ramos ayaana ciyaarta laga saaray ka dib markii uu qaatay labo caalamd oo jaale taas oo dhabar jab ku sii noqotay kooxda Madrid .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Girona , farqiga koxaha Barcelona iyo Real ayaana noqday 9-dhibcood.

GOOL FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close