Gary Lineker oo ka hadlay guuldaradii Real Madrid kasoo gaartay kooxda Girona

(Yurub) 17 Feb 2019. Halyeeyga kubada cagta dalka England iyo kooxda Barcelona ee Gary Lineker ayaa ka hadlay guuldaradii kaga soo gaartay Real Madrid garoonkeeda kooxda Girona, kulankii ay maanta ku wada ciyaareen horyaalka La Liga.

Weeraryahankii hore kooxaha Barcelona iyo Tottenham ee Gary Lineker ayaa kaga hadlay boggiisa rasmiga ah Twitter-ka guuldaradii Real Madrid ka soo gaartay Girona, wuxuuna sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay:

“Real Madrid waxay garoonkeeda guuldaro kala kulantay kooxda Girona”.

“Guuldaradan waxay la micno tahay in Barcelona ay markale lahaan doonto horyaalka La Liga, maxay cajiib tahay”.

Si kastaba Kooxda Girona ayaa soo afjartay guulaha xiriirka ahaa kooxda Real Madrid ee horyaalka La Liga, kadib markii ay kala laabteen garoonka Santiago Bernabéu guul 2-1 ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close