EEG: SHAXDA la filayo in tababare Solskjær uu kusoo galo kulanka Chelsea, xili Man United ay qabto dhaawacyo xoogan

(Manchester) 16 Feb 2019. Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday shaxda lafilayo inuu ku soo galo doono Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær kulanka Chelsea ee FA Cup-ka.

Shaxda kooxda Manchester United ee tababare Solskjær uu ku wajihi doono kulanka Chelsea ayaa waxaa ka maqan xidigo badan,sida Anthony Martial, Jesse Lingard iyo Alexis Sanche.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in dhaawacyadan xoogan ay ku qasbi doonaan tababare Solskjær in kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan Chelsea uu adeegsado xidigaha Juan Mata iyo Romelu Lukaku, waxaana sidoo kale dhanka weerarka ku wehlin doono Marcus Rashford.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa fooda isku dari doono Isniinta soo aadan kulanka wareega 5-aad koobka FA Cup-ka, kaasoo ka dhici doono garoonka ay ku ciyaarto kooxda Blues ee Stamford Bridge.

Hadaba shaxda la filayo in uu ku soo gali doono tababare Solskjær kulanka Chelsea ee habeenka Isniinta soo aadan ayaa ah:

Goolhaye: Sergio Romero

Daafaca: Ashley Young, Smalling, Jones, Luke Shaw

Khadka dhexe: Herrera, Matic, Pogba, Mata

Weerarka: Lukaku, Rashford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close