Del Piero oo si cad ugu soo horjeestay hal arin ku saabsan Cristiano Ronaldo

(Juventus) 16 Feb 2019. Halyeeyga kooxda Juventus Alessandro Del Piero ayaa ku jees jeesay Cristiano Ronaldo, sababa la xiriira tuurista laadadka xorta ah kulamada ay ciyaareyso Bianconeri.

Shabakada “Calcio Mercato” ayaa shaacisay wareysi arintan ku aadan uu bixiyay Alessandro Del Piero kadib markii uu sheegay:

“Cristiano Ronaldo had iyo jeer wuxuu tuuraa laadadka xor ah kulamada ay ciyaareyso kooxda Juventus”.

Alessandro Del Piero oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu si jees jees ah u raaciyay:

“Waxaa laga yaabaa inuu jiro wax qeyb ka ah heshiiska Cristiano Ronaldo uu ku yimid kooxda, xaqiiqdii ma aqaan”.

“Juventus waxay heysataa Miralem Pjanić iyo Paulo Dybala, waa inuu jiro isbedel dhexdooda ee ah waqti ka waqti”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close