Barcelona oo guul dirqi ah ka gaartay kooxda Real Valladolid + Sawiro

(Spain) 17 Feb 2019  Waxaa soo dhamaaday kulan ciyaareedkii u dhexeeyey kooxaha Barcelona iyo Real Valladolid oo ka tirsanaa horyaalka La Liga waxaana guul wax ku ool ah gaaray kooxda Barcelona .

Barcelona oo ku ciyaareysay garoonkeeda ayaa soo bandhigtay ciyaar la jecleesto waxaaana u suura gashay in ay la yimaadaan gool qeebtii koowaad ee ciyaartaba .

Messi oo ah hogaamiyaha kooxda Bulgarna ayaa dhaliyey goolka qura ee ka dhashay qeebta koowaad ee ciyaarta waxa uuna ahaa gool rigoore ah waxa uuna yimid daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta .

Qeebtaa koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray Barcelona oo hogaanka ciyaarta heysa balse nasiino ka dib waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta .

Barcelona ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday goolhayaha kooxda Valladolid balse waxa uu ahaa geesi kooxdiisa goolal badan ka bad baadiyey.

Messi ayaa kooxdiisa ka qasaariyey gool rigooro ah oo loo dhigay dhamaadkii qeebtii dambe ee ciyaarta xili ay xusid mudantahay goolkii uu dhaliye ay xitaa aheyd gool kulaad .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Barca oo bartamaha todobaadkan ciyaareysa tartanka Champions league .

Sawiro :

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close