Ashley Cole oo Caawa qabtay wax uu qaban waayay Sanadihii uu u ciyaarayay Arsenal iyo Chelsea…..+SAWIRRO

(England) 16 Feb 2019. Daaficii Chelsea iyo Arsenal Ashley Cole ayaa caawa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ebid ee FA Cup ciyaartii dhawayd ay naadigiisa Derby County guul darada 2-1 kala kulantay Brighton & Hove Albion.
Rugcadaaga reer England ayaa heshiis amaah ah ugu soo biiray kooxda uu horkacayo saaxiibkii hore ee Frank Lampard.
Cole ayaa iminka nasiib u yeeshay inuu dhaliyo goolkiisii ugu horreeyay ee FA Cup iyadoo ay jirto inuu koobkan ku guuleystay 7-jeer.
Saddex jeer ayuu la qaaday Arsenal sanadihii u dhexeeyay 2002 iyo 2005 halka uu Chelsea la qaaday 4-jeer sanadihii u dhexeeyay 2007 iyo 2012.
SAWIRRO: Cole oo u dabaal degaya goolkiisii ugu horreeyay ee FA Cup inkastoo kooxdiisa laga reebay tartanka:
Gool FM.