Ronaldo oo Sabtida ku soo laabanaya garoonka Camp Nou

(Barcelona) 15 Feb 2019. Ronaldo ayaa la soo warinayaa inuu dib ugu soo laaban doono garoonka Camp Nou berrito oo Sabti ah.

The Estadio Santiago Bernabeu, Mestalla iyo the Ciutat de Valencia ayaa ah saddexda garoon ee uu booqday Ronaldo tan iyo markii uu la wareegay ama uu iibsaday kooxda Real Valladolid.

Haddii aan qorshaha wax laga bedelin, garoonka afaraad ee uu booqan doonto Ronaldo ayaa noqon doona midka naadiga Barcelona ee Camp Nou.

Waxa uu Ronaldo ku laabanayaa meeshii uu magaca kubadda cagta Spain ku sameeyey ee Barcelona, laacibka reer Brazil ayaana la filayaa inuu soo fariisan doono halka sare ee garoonka kulanka horyaalka La Liga oo ay Valladolid booqan doonto Blaugrana.

Ronaldo ayaa dhaliyey 34 gool oo horyaalka ah 47 kulan oo uu u saftay kooxda Catalan ka hor inta uusan ka tagin oo ku biirin Inter Milan oo uu kaddibna ka sii aaday Naadiga Real Madrid.

Shantii xilli ciyaareed oo uu joogay Los Blancos iyo xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Madaxweyne Florentino Perez ayaa ka dhigay in xiriir ka adag midka Barcelona uu la yeesho Real Madrid.

Yeelkeede, inkastoo uu waqti badan ku qaatay mataaladda Maaliyadda cad-cadka, Ronaldo ma’ahan ciyaaryahan laga neceb yahay garoonka Camp Nou, waxaana kulanka Sabtida uu la daawan doonaa Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close