Juve oo dooneysa in Lacag+Dybala ku badelato Saalax……(Arag sida ay u muuqan karto SHAXDA Liverpool)

(Europe) 15 Feb 2019. Juventus ayaa si wayn u dooneysa saxiixa xiddiga Liverpool ee Maxamed Saalax iyadoona diyaar la ah 44-Milyan oo lagu daray laacibkooda reer Argentina ee  Paulo Dybala.

Camaaliqada reer Talyaani ayaa  horey u muujisay inay awoodo inay soo xero galiso xiddigaha ugu waa wayn kubbada cagta kaddib markii ay suuqii xagaaga Real Madrid kala soo wareegtay Cristiano Ronaldo.

Express ayaa sii odorostay sida ay u muuqan karto shaxda Liverpool haddii uu heshiiskan dhoco oo uu Saalax soo cago dhigto Turin isla markaana uu Dybala iska xaadiriyo Anfield.

Warsidaha ayaa safka Reds ku daray weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner kaa oo sidoo kale bartilmaameed u ah Jurgen Klopp.

Haddaba EEG sida ay u muuqan karto SHAXDA Liverpoo haddii uu ku soo biiro Dybala kana tago Saalax:

4-2-3-1

Liverpool potential line up

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close