Gareth Bale oo Khatar ugu jira in la Ganaaxo 12-kulan……(Muxuu sameeyay??)

(Madrid) 15 Feb 2019. Gareth Bale ayay suuro gal tahay in qoorta loo suro 12-kulan oo ganaax ah kaddib dabaal degii uu sameeyay kulankii Madrid Darby ay Real Madrid ka adkaatay Atletico Madrid.

Laacibka reer Wales ayaa lagu soo eedeeyay inuu dabaal degiisa uu gacmaha is daba mariyay uga careysiiyay Taageerayaasha Atletico maadaama uu dabaal degaas ka dhigan yahay sida adigoo farta dhexe taagay.

Bale ayaa u dabaal degayay goolkii ugu dambeeyay ee Real Madrid ciyaartii ay 3-1 uga adkaadeen dariskooda kulan ka dhacay Wanda Metropolitano.

Guddiga qaban qaabada La Liga ayaa xiqiijiyay inay baaritaan ku sameyn doonaan Gareth Bale iyagoo sheeganaya inuu ka careysiiyay taageerayaasha martida loo ahaa.

 Bale stands accused of provoking Atletico fans with his reaction

La Liga ayaa cabasho u gudbiyay guddiga tartanka kuwaa oo go’aansan doona haddii ganaax lagu ridi doono laacibka iyo inkale.

Waxaa la sheegay in dabaal degga uu sameeyay Bale ay Spanishku ugu yeeraan ‘corte de mangas’ taa oo u dhiganta farta dhexe oo la taago.

Haddii guddiga loo gudbiyay dacwada Bale ay go’aansadaan inay Ganaax ku ridaan laacibkii hore ee Tottenham waxay ciqaabtiisu noqon doonto 4- ilaa 12 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close