Ernesto Valverde oo ka hadlay heshiiska cusub uu u saxiixay kooxdiisa Barcelona

(Barcelona) 15 Feb 2019. Macalinka kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay in go’aankii uu qandaraaska ugu kordhiyay Blaugrana uu ahaa mid fudud.

Kooxda Barcelona ayaa maanta oo jimco ah shabakadeeda rasmiga ah ku shaacisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay macalinkeeda Ernesto Valverde.

Valverde ayaa sidoo kale xulasho u heysta inuu ku darsan karo sanad kel ee dheeri ah.

Hadaba Valverde ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay heshiiska cusub uu u saxiixay kooxda Barcelona waxyaabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa:

“Heshiis kordhinta ayaa ahaa go’aan aad iigu sahlan aniga, kalsoonida igaala dhexeysa kooxda aad ayay u fiican tahay, wax walbana si wanaagsan ayay u socdaan”.

“Waxaan ku bilaabanay ciyaaro isdaba joog ah, oo aan ka ciyaareynay seddex tartan, waxaan soo galnay barbaro kulnkeena ugu dambeeyay, waxaana dooneynaa inaan mar kale ku guuleysano horyaalka”.

Waxaa xusid mudan in Blaugrana ay kulankeedii lasoo dhaafay ee horyaalka La Liga barbaro la gashay Athletic Bilbao, taasoo ka dhigtay in farqiga u dhexeeya iyaga iyo Real Madrid uu noqdo 6 dhibcood oo kaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close