Diyaarad siday meydkii Emiliano Sala oo ka degtay caasimadda Argentine ee Buenos Aires

(Buenos Aires) 15 Feb 2019.   Saacado ka hor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Buenos Aires ee Argentine ka degtay diyaaradda British Airways oo siday meydka ciyaaryahankii diyaaraddu la dhacday ee Emiliano Sala, kaasoo markii uu shilka galayay ku sii jeeday inuu ku biiro kooxdiisa cusub ee Cardiff City oo ka soo iibsatay kooxda Nantes ee Faransiiska.

Diyaaraddan oo ay saarnaayeen Sala iyo duuliyihiisa oo qura ayaa waxay ku dhacday biyaha Kanaalka Ingiriiska 21-kii Janaayo, waxaana baaritaanno dhanka badda ah oo lagu baadi goobayay aakhirkii lagu soo helay haraadigii diyaaradda dhacday.

Weriyeyaal fara badan iyo qoyska Sala ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha Buenos Aires, si ay u guddoomaan meydka weeraryahankii hore ee 28 sano jirka ahaa.

Berri oo Sabti ah ayaa la aasi doonaa Sala, waxaana duugta ka soo qayb geli doona wakiillo ka socda kooxaha Nantes iyo Cardiff City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close