Juvantus oo sidii daadki oo kale u qaadatay kooxda Frosinone +Sawiro

(Serie A) 16 Feb 2019 Kooxda Juvantus ayaa guul raaxo leh ka gaartay dhigeeda kooxda Frosinone kulan ka tirsan horyaalka Serie A ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3-0.

Juvantus oo dar dar xoogan ku soo gashay ciyaarta ayaa durba dhalisay gool daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey goolka Dybala, caawinteedana waxaa lahaa Ronaldo .

Waqti badan kama aysan soo wareegan markii daafac reer Italy ee Bonucci uu dhaliyey goolkii labaad ee ciyaarta natiijada kulanka ayaa noqotay 2-0 oo ay ku gacan sareyso Kooxda Marwada Duqda .

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa sidaa ku soo dhamaaday xili Juvantus ay qabsatay shaqo kaliya dhameestir u baahan madama qeebtii koowaadba ay labo gool la yimaadeen.

Waqti kooban oo nasiino ah waxaa dib loo baastay qeebtii dambe ee ciyaarta Kooxda Frosinone ayaa sameesay isku dayo aan guuleysan .

Juvantus ayaa iska sii wadatay dhalinta goolasha daqiiqadii 63-aad waxaa yimid gool uu caawinteeda laha Mandzukic waxaan shabqa ku sii tolay Ronaldo.

Ugu dambeey ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-0 oo ay kubadkaata6 Juvantus oo ku ciyaareysay ciideeda .

Sawiro : 

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close