“Waxba kama qaban karo Alexis Sanchez” – Tababare Solskjær

(Manchester) 14 Feb 2019. Macalinka kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa xaqiijiyay inuusan garaneynin sida uu u caawin lahaa laacibka reer Chile ee Alexis Sanchez.

Hadalka tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu imaanayaa kadib guuldaradii weyneed ee kaga soo gaartay kooxda Paris St Germain kulankooda lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Tababare Solskjær ayaa sheegay inuusan wax ka qaban Karin xiddiga reer Chile ee Alexis Sanchez oo haatan ah 30 jir, wuxuuna sheegay inuu jiro ciyaaryahan wanaagsan.

“Waxba kama qaban karo Alexis Sanchez, marka uu ciyaarayo waa inuu naftiisa ku kalsoonaadaa”.

“Sababtoo ah dhamaanteen waan ognahay inuu yahay ciyaaryahan wanaagsan”, sidaas waxaa u sheegay wargeyska Mundo Deportivo tababare Solskjær.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close