Ramos oo Afkiisa BAXAR isku galiyay iyo UEFA oo 2-kulan Ganaaxi karta

(Europe) 14 Feb 2019. Sergio Ramos ayaa khatar ugu jira in la dul dhigo labo kulan oo ganaax ah kaddib markii uu qaatay Jaale u muuqda kas cad.

Kabtanka Real Madrid sidoo kale afkiisa ka qirtay inuu si ula kac ah u qaatay kaarka jaalaha dhammaadka ciyaarta daqiiqadii 89-aad.

“Been ayaa sheegayaa haddii aan iraahdo ma qasbin kaarka jaalaha, waa wax aan ka fikirayay.”, Ramos ayaa sidaa yiri ciyaarta kaddib.

Wuxuu ahaa kaarkii 3-aad ee Jaalaha uu qaato Ramos tartanka Champions League kal ciyaareedkan taa oo ka dhigan inuu seegi doono lugta labaad ee Ajax, sida muuqatana wuxuu sidaa u sameeyay si uu u yimaado weareega 8-da isagoo nadiif ah.

The Madrid captain gets nowhere near the ball as he brings down his opponent 

Sharciga UEFA ayaa dhigaya in laacibkii kas cad u qaata Jaale ama Casaan uu wajahayo labo kulan oo ganaax ah amaba waqti kaloo cayiman.

Ma ahan markii ugu horreysay uu Ramos sidaan oo kale kas cad u qaato kaarka Jaalaha si uu wareega xiga u yimaado isagoo nadiif ah oo waqti lumis bilaash ah ayuu Kaar ku qaatay kulan ay la yeesheen Galatasaray 2013.

Dani Carvajal ayaa sidoo kale la ganaaxay kaddib markii uu si ula kac ah kaarka Jaalaha u qaatay ciyaar ay Madrid 6-0 uga adkadeen Apoel Nicosia sanadkii tagay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close