Mbappé waa 20-jirkii ugu fiicnaa ebid Taariikhda ee soo mara Champions League… (Xitaa Messi iyo Ronaldo wuu ka dheereeyay)…+EEG TIROKOOBKAN

(Europe)  14 Feb 2019. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday warbixin muujineysa cabsida laga qabi karo rikoorada uu sameenayo da’ayarka kooxda PSG ee Kylian Mbappé, taasoo xitaa halis ku ah rikoorada u yiila xidigaha ugu fiican xiligan kubada cagta aduunka ee Ronaldo iyo Messi.

Mbappé ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee PSG kulankii ay Manchester Unite kag soo adkaadeen garoonka Old Trafford 2-0, wuxuuna sare u qaaday tirsiga goolashiisa tartanka Champions League, wuxuuna ka dhigay 14 gool, 24 kulan uu ciyaaray, inkastoo da’adiisa ay wali tahay 20 jir.

Wargeyskan reer Spain ayaa tilmaamay in Mbappé uu noqday ciyaaryahankii ugu da’ada yaraa taariikhda ee 14 gool  ku dhaliya tartanka Champions League, taasoo xaqiijineysa inuu awood u leeyahay inuu jebiyo dhamaan rikoorada sanadaha soo socda haddii uu ku guuleysto inuu sii wato qaab ciyaareedkiisan cajiibka ah.

Lionel Messi oo haatan 107 gool ka dhaliyey xirfadiisa kubada cagta ee tartankan, ayaa dhaliyay 2 gool oo qura 20-jirkiisii, balse wuxuu 11-gool ayuu shabaqa dhex dhigay  24-kiisii kulan ugu horreeyay Champions League

Cristiano Ronaldo (Guud ahaan goolashiisa taariikhda Champions League waa 121 gool): balse marka uu ahaa 20 sano jir wax gool ah ma uusan ka dhalinin tartankan – 0

Sidaas darteed Mbappé ayaa rikoorkan ku garaacay labada xidig ugu fiican xiligan kubada cagta aduunka iyo waliba xiddig kasta ee soo maray kubbada Cagta wuxuuna sidoo kale awoodaa inay dhibanayaal u noqdaan xiliyada soo socda.

Hadaba liiska hoos ku xusan ayaa ah xidigaha taariikhda goolasha ugu badan ka dhaliyay Champions League markay ahaayeen 20 sano jir:

Lionel Messi (107 gool): 20 sano jirkiisa = 2

Raul Gonzalez (71 gool) = 2

Ruud van Nistelrooy (56 gool) = 0

Karim Benzema (59 gool) = 6

Robert Lewandowski (53 gool) = 0

Thierry Henry (50 gool) = 2.

FIIRO GAAR AH: Liiska Hoose wuxuu isugu jiraa Goolasha ay xiddiga dhaliyeen 20-jirkooda iyo waliba goolasha ay dhaliyeen 24-kulan kaddib Champions League

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close