Kooxda Arsenal caawa waxaa Europa League ku wajahaya ciyaaryahankeedii hore… (Waa kee?)

(Yurub) 14 Feb 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa caawa booqanaysa kulan ka tirsan Wareegga 32-ka kooxood ee Europa League naadiga BATE Borisov.

Kulankan waxaa Gunners wajahaya oo safka hore ku soo bilowday ciyaaryahankeedii hore ee Aleksandr Hleb oo kooxda Arsenal waqti ku soo qaatay, una soo ciyaaray intii u dhexeysay 2005 illaa 2008.

Inkastoo ciyaaryahan Hleb uusan Arsenal kula guuleysan wax koob ah haddana waxa uu la gaaray final-kii Koobka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii 2005–06, markaasoo ay ku guuleystay kooxda Barcelona.

Sidoo kale waxa uu la gaaray Final-kii League Cup-ka xilli ciyaareedkii 2006–07, markaasna waxaa kooxda Gunners koobka ka qaaday naadiga ay dariska yihiin ee Chelsea oo uga badisay 2-1.

Aleksandr Hleb oo haatan 37-sano jir ah ayaa 10 gool u dhaliyey kooxda Arsenal 130 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close