Chelsea oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Malmoe + Sawiro

(Europe) 15 Feb 2019 Kooxda Chelsea ayaa guul ka gaartay kooxda Malmoe kulan ka tirsan wareega 32-da kooxd ee tartanka Europe league .

Bules oo guul daro aad u xanuun badan dhabarka ku sidatay ayaa isaga masaxday guul ay ka gareen kooxda Malmoe .

Qebtii koowaad ee kulanka ayaa ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku hor kaceyso kooxda Chelsea waxaana daqiiqadii 30-aad gool u dhaliyey Barkley waxaana caawinteeda lahaa Rodriguez.

Waqti walba wiilasha macalin Sari ayaa ka gacan sareeyey kooxda Malmoe waxaa yimid gool kale oo labaad waxaana Bules goolka ay ka heshay Giroud daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta waxaana ciwinteeda laha xidiga reer Barazil ee Willian.

Daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta xidiga kooxda Malmoe ee Christiansen ayaa gool u dhaliyey kooxdiisa ciyaarta ayaana noqotay 2-1 oo wali ay ku gacan sareyso Chelsea .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 kulanka lugta labaad ayaana lagu ciyaarayaa caasima Londone .

Sawiro:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close