BATE oo Beerka uga dhacday Arsenal iyo Inter Milan oo badisay….+SAWIRRO

( Europe ) 14 Feb 2019. BATE Borisov ayaa guul lama filaan ah ka gaartay Arsenal kaddib markii ay gool madi ah uga adkaatay.

Kooxda BATE Borisov oo lagu ciyaarayey garoonkeeda ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waxaana u suura gashay in ay la yimaadaan gool qeebtii koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Dragun daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta .

Kooda BATE Borisov ayaa sameysay difaacasho qurux badan iyaga oona iska caabin ku sameyey weeraro halis ahaa oo ay sameenayeen weerarka kooxda Arsenal qeybta labaad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 85-aad waxaa calaamada casaanka loo taagay xidiga reer Farnce oo Lacazette oo weerarka ugu ciyaara kooxda Arsenal waxa uuna seegi doonaa kulanka lugta labaad oo ka dhici doona garoonka kooxda Arsenal .

Kulanka ayaa ugu dambeen ku soo idlaaday 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda BATE Borisov .

Dhanka kale Inter Milan oo uu ka maqan yahay weeraryahankooda Icardi kaa oo laga qaaday Kabtanimada kooxda ayaa gool caato ah kaga adkaatay Rapid Wien.

Goolka oo Rigoore ahaa ayaa waxaa qeybta hore u saxiixay Lautaro Martinez.

SAWIRRO:

 BATE players mob Stanislav Dragun after his stunning breakthrough goal right on half-time

 Petr Cech has little chance as Stanislav Dragun rises at the near post to nod the ball in the far corner

 Stanislav Dragun darts in for a moment he might never forget - as he nods the opener against Arsenal

 Arsenal got off to a flying start but lacked quality in key positions

 Gunners boss Unai Emery saw his side struggle to turn domination into goals in a frustrating first half

 Arsenal keeper Petr Cech thwarts a rare BATE opportunity after Nemanja Milic breaks through

 BATE Borisov's Maksim Skavysh tangles with Arsenal defender Laurent Koscielny

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close