Bartomeu oo ka warbixiyay hal arin uu doonayo inuu sameeyo ka hor inta uusan ka tagin xilka madaxtinimo ee kooxda Barcelona

(Barcelona) 14 Feb 2019. Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ku dhawaaqay in kooxda ay dooneyso inay qandaraaska u cusbooneysiiso Lionel Messi.

Dhinaca kale Josep Maria Bartomeu ayaa ku adkeystay in tababare Ernesto Valverde uu sii wadi doono kooxda sanadka soo aadan xitaa hadii uusan ku guuleysan wax koob ah sanadkan.

“Waxaan u maleynayaa in Ernesto Valverde uu sidaas sameyn doono, kalsoonida ciyaartoyda ay isaga ku qabaan aad ayay u weyn tahay”.

“Waa xili ciyaareedkiisii labaad, ujeedka ayaa ah inuu gaaro dhamaadka xilli ciyaareedka iyadoo ay jirto fursado uu ugu guuleysto wax walba”.

“Waan ku kalsoonahay, xitaa haddii aanan waxba ku guuleysan, wuxuu sidoo kale sii wadi doonaa inuu kooxda hogaamiyo”.

Intaas kadib madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ka hadlay sida ay u doonayaan heshiis kordhinta Messi wuxuuna yiri:

“Ma aanan ka hadlin qandaraas cusub, waxaan arki doonaa waxa uu doonayo Messi, heshiis kordhinta uma dhici doonto si deg deg ah”.

“Laakiin ka hor inta aanan ka tagin xilka madaxtinimo, waxaan doonayaa inaan cusbooneysiiyo qandaraaska Lionel Messi”.

“Waa ciyaaryahan ku kooban hal koox oo kaliya, xiriirka noo dhexeeya ayaa waligiis sii jiri doona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close