Meeqo kiilo ayuu Marcelo ballan qaaday in uu ka dhimayo miisaankiisa ka hor kulanka Barcelona ee Copa del Rey?

(Madrid) 13 Feb 2019.   Ka hor kulanka culus ee Copa del Rey ee 27 bishan Febraayo garoonka El Santiago Bernabeu ku wada yeelan doonaan naadiyada Real Madrid iyo Barcelna ayaa xidigga kooxda Real Marcelo waxa uu u ballan qaaday tababare Solari in uu xoogaa yar miisaankiisa dhimi doono.

Ka hor ciyaartaasi soo socota ee nus dhammaadka Copa del Rey ayaa waxaa daafaca reer Brazil iyo macallinka Real Madrid, Solari waxay yeesheen wada hadal, waxaana tababaruhu sheegay in Marcelo uu muhiim u yahay naadiga, aadna loo jecel yahay, balse laga rabo in uu is dhuubo.

Geba-gebadii Marcelo oo 30 jir ah ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay in uu illaa 3kg culeyskiisa ka dhimo, taas oo uu ku gaari karo in uu hagaajiyo cuntadiisa isla markaana si adag tababarka iyo gym-ka ugu dadaalo, waxaana haatan la sheegayaa in uu culeyskiisu ka sarreeyo 80kg.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close