Mauro Icardi oo laga qaaday Kabtannimada kooxda Inter (Yaa loo dhiibay astaanta kabtannimo?)

(Milan) 13 Feb 2019.   Weeraryahanka kooxda Inter ee waddanka Talyaaniga Mauro Icardi ayaa laga qaaday calaamadda Kabtannimo ee naadigaasi, xilli uu qandaraaskiisa Inter ku eg yahay 2020-21.

Icardi oo 25 jir ah, waxa uu kooxda Inter u dhaliyay 15 gool dhammaan 28-kii kulan ee tartammada kala duwan ee uu u dheelay 2018-2019, isagoo guud ahaanna kooxda u dhaliyay 122 gool 210 kulan oo uu u dheelay tan iyo markii uu ku soo biiray Inter 2013-kii, waqtigaas oo ay ka soo iibsadeen Sampdoria.

Waxay tani muujinaysaa in Icardi uu ka sii socdo garoonka San Siro, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ay aad u danaynayaan laacibkan reer Argentine.

“Kooxdu waxay caddeynaysaa in Samir Handanovic uu yahay Kabtanka cusub ee Inter” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka kooxda Inter.

Inter ayaa guuldarreysatay saddexdii kulan oo la soo dhaafay, laakiin waxa ay khadka guulaha ku soo noqotay ciyaartii ay Sabtidii 1-0 kaga badisay Parma ee ka tirsanayd Horyaalka Talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close