HORDHAC: Tottenham vs Dortmund ? Ogow wax kasta oo ku saabsan kulankan …

(Europe ) 13 Feb 2019 Ciyaartoyda Kooxda Borussia Dortmund ayaa boorsooyinkooda u soo xir xirtay garoonka Wembley iyaga oona ciyaar adag oo ka tirsan wareega lugta koowaad ee 16-ka champions league la qaadan doona kooxda Tottenham .

Hogaamiyaasha horyaalka Bundesliga oo ku jira bandhig ciyareed aad u heersareeya ayaan dab yar kala kulmi doonin dhigeeda kooxda Londone ka dhisan ee Tottenhan waana kulan il gooni lagu wada haayo .

Spurs oo mininkeeda lagu ciyaarayo ayaa qabta kalsooni weyn balse waxaa garab taal in safkeeda ay ka maqanyihiin xidigaha ugu muhiimsan safkooda .

Maxaa ka cusub labada koox :

Mauricio Pochettino wali safkiisa waxaa ka maqan xidigo muhiim u ah waxaana ka mid ah Harry Kane iyo Dele Alli oo halbowlo u ah kooxda Tottenham .

Xidigaha kala ah Eric Dier iyo Erik Lamela ayaa la nasiyey kulankii dhawaa ee ay guusha ka gaareen kooxda Leicester ciyaar ku dhamaatay 3-1 si ay diyaar ugu noqdaan kulanka adag ee ay la yeelan doonana kooxda Dortmund caawa .

Dhanka kale safka Dortmund waxaa dhankooda ka maqnaaan doona kabtankooda Marco Reus oo qaba dhaawac muruqa ah iyo dambeedka difaaca dhexe ee Lukasz Piszczek kaas oo isna dhibaato dhaawac qaba .

Ogeysiiska kulanka :

Kulanka : Tottenham vs Dortmund (Champions league )

Goobta : Wembley Stadium

Goorta : 11: 00 oo habeenimo

Garsoorka: Antonio Mateu Lahoz (ESP)

Xaqiiqooyinka labda kooxood :

-Tottenham iyo Dortmund ayaa is wajahaya xili ciyareedkii sedexaad tartamada Eourope , labdii xili ciyareed ee hore oo ay is arkeen afar kulan waxa ay kala heestaan rikoor siman labo guul iyo labo guul.

-Dortmund ayaa dhalineysay gool mid kasta oo kamid ah kulamdii afarta ahaa ee ay wajahdo Tottenham tartamada Eourope.

– Ma jirto koox dhalisay gool in badan 15-ka daqiiqo ee ugu horeeya ee ciyaarta kulamda Champions League oo aan aheyn Borussia Dortmund oo dhalisay shan gool. Sidoo kale ciyaartoyda badalka ugu yimaada ayaa kuwa ugu wanaagsan waxa ayna dhaliyeen 5-gool.

-Borussia Dortmund waa kooxda ugu yar ee gool laga dhaliyey intii uu lagu guda jiray wareega heerka guruubyada kaliya labo gool ayaa laga dhaliyey lix kulan oo ay ka ciyaartay.

-Sideed gool oo kamida 9-gool oo ay Tottenham ka dhalisay Champions League xili ciyaareedkan waxa ay yimaadeen qeebta dambe ee ciyaarta . Cele celis ahaan (89%).

-Tottenham marna kuma adkaan garoonkooda kulan bug baxa oo ka tirsan UEFA Champions League (1bareejoiyo 2 – qasaaro ).

Eeg shaxda macauul galka ah :

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close