Ciyaaryahan Sadio Mane oo ku jees jeesay Manchester United kaddib guuldarradii xalay ay kala kulantay PSG (2-0)

(Liverpool) 13 Feb 2019.    Weeraryahanka kooxda Liverpool ee waddanka Ingiriiska Sadio Mane ayaa ku digtay ama ku jees jeesay guuldarradii xalay Manchester United ee waddanka Ingiriisku kala kulantay naadiga Paris Saint-Germain ee Faransiiska ka socday ciyaar ka dhacday Old Trafford oo 2-0 lagu garaacay MU.

Ciyaartan ayaa ahayd lugtii hore ee koobka Horyaallada Yurub wareeggiisa 16 dhammaadka, waxaana labada gool ee PSG u kala dhaliyay Kimpenbe 53’ iyo Mbappé 60’.

Mane ayaa sawir uu soo dhigay boggiisa Instagram waxa uu ahaa sawir laga qaaday telefishin ay ka socotay ciyaartii xalay ee Man Utd vs Manchester United iyo sawir kale oo isaga iyo tababare Jurgen Klopp ay qoslayaan xilli ay tababarka kooxda kua guda jireen.

Dhanka kale Manchester United iyo Liverpool ayaa toban maalin kaddib (24/02/2019) waxa ay kulan adag oo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska ku wada yeelan doonaan Old Trafford, iyadoo Liverpool oo hoggaaminaysa Horyaalka Premier League ay ku han weyntahay in markii ugu horreysay ay koobkaasi qaaddo 30 sanadood kaddib.

الصور التي نشرها ماني

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close