Thomas Tuchel oo dardaaran culus u jeediyay ciyaartoyda kooxda PSG kahor kulanka caawa ee Manchester United

(Champ’ League) 12 Feb 2019. Macalinka kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in gooldhaliyahooda taariikhiga ah ee Edinson Cavani uu seegi doono kulanka caawa ay Manchester United kula ciyaari doonaan lugta hore ee wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Edinson Cavani ayaa 192 gool u dhaliyay kooxda Paris Saint-Germain, balse wuxuu kulankan ku seegi doonaa sababa la xiriira dhaawac uu qabo.

Kooxda ka dhisan caasimada France ayaa caawa marti ku noqon doonta garoonka caalamiga ah ee Old Trafford iyadoo ay ka maqan yihiin safkeeda xidigaha muhiimka ah ee kala ah Neymar Jr, Meunier iyo Edinson Cavani.

Hadaba macalinka kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa wareysi uu bixiyay kahor kulankan wuxuu kaga hadlay dhowr arimood ee quseeya kooxdiisa PSG.

“Ma awoodno inaan buuxino boosaska ay ka maqan yihiin ciyaartoydan aadka u fiican, Neymar waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Yurub aad ayaan ugu xiisi doonaa, sidoo kale Edinson Cavani”.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan la qabsano jawiga ciyaarta, inkastoo aan heysano ciyaaryahano muhim ah, ma garanayo hadii tani ay tahay waqtigii aan u baahneyn inaan bedelno aqoonsigeena, sababtoo ah waxaa nalagu yaqiinay inaan u ciyaarno si bahalnimo ah isla markaana aan abuurno fursado”.

“Waxaan ka doonayaa kooxdeyda inay ku ciyaaraan si geesinimo leh, isla markaana ay u soo muuqdaan koox mideysan, ee si xoogan u dagaalami karta, isla markaana ay ka muuqato inay diyaar u yihiin caqabad kasta ee hor taagan”.

“Ma doonayo inaan ka hadlo natiijada ciyaarta, laakiin waxaan dooneynaa inaan goolal badan ka dhalino kooxda Manchester United”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close