Sergio Ramos oo kulankiisii 600 habeen dambe u safan doona kooxdiisa Real Madrid

(Madrid) 12 Feb 2019.  Kabtanka kooxda Real Madrid ee waddanka Spain, Sergio Ramos ayaa kulankiisii 600 ee naadiga Los Blancos waxa uu ciyaari doonaa habeen dambe, ciyaartaas oo ay kaga hor tagayaan kooxda Ajax Amsterdam, kana tirsan 16 dhammaadka Champions League.

Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka Johan Cruyff Arena, waana mid muhiim u ah tiro xisaabeedkiisa.

20-kii bishii May, 1998 markii Real Madrid ay ku guuleysatay koobkeedii 7’ ee Champions League waxa uu Ramos ahaa 12 jir ku riyoonayay in uu u safto safka hore ee kooxda Seville.

Kulankiisii ugu horreeyay ee Real Madrid uu u dheelay wuxuu ahaa 10 September 2005, ciyaartaas oo ay kaga hor tageen Celta Vigo, waxaana wixii waqtigaa ka dambeeyay uu la qaaday 4 Champions League oo ay ku jireen 3 ay qaadeen saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Daafacan khabiirka ah ee 32 jirka waxa uu 414 kulan oo La Liga ah u ciyaaray Real Madrid, 45 Copa del Rey, Champions League 118 kulan, Super Koobka Spain 12, Super Koobka Yurub 4 iyo Koobka Adduunka ee Naadiyada 6, iyadoo isu geyntana noqonayso 599 kulan waxaana uu dhaliyay 84 gool.

 Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close