Mohamed Salah iyo Leonel Messi oo isku helay xayaysiin ay u sameynayeen Pepsi (yaa laga xirfad badiyay?)

(Liverpool) 12 Feb 2019.  Labada weeraryahan ee u kala ciyaara Barcelona iyo Liverpool, Lionel Messi iyo Mohamed Salah ayaa waxay xayaysiin ama dacaayad cusub u sameeyeen shirkadda cabitaannada fudud ee Pepsi.

Xiddigahan ayaa isugu soo baxaya kaallin shidaal, kaddibna waxay ku tartamayaan gasicii ugu dambeeya ee Pepsi ee ku haray qaboojiyaha ama tallaajadda, iyagoo ku heshiinaya in xirfaddooda ku tartamaan oo ninkii loollankaas ku guuleystana uu cabitaankaas ku haray tallaajadda uu isagu qaato.

Laakiin intii ay xirfadahooda cajiibka ah soo bandhigayeen ayaa qof saddexaad ka hor cabayaa xabaddii cabitaanka ahayd ee hartay.

Salah ayaa tan iyo 2016­-kii waxa uu xayaysiin u sameynayay Pepsi oo caan ku ah dhanka xayaysiinta iyadoo horey ay cabitaankan u soo xayaysiiyeen Roberto Carlos, David Beckham, Ronaldinho, Juan Sebastian Veron, Francesco Totti, Raul iyo Carli Lyloyd.

 

 

View this post on Instagram

 

#FORTHELOVEOFIT

A post shared by Mohamed Salah (@mosalah) on

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close