Mid ka mid ah halyeeyada Arsenal oo farta ku fiiqay halka ay dhibaatada ka heysato Gunners

(Arsenal) 12 Feb 2019. Halyeeyga kooxda Arsenal iyo kubada cagta dalka Brazil Gilberto Silva ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka xidiga khadka dhexe xiligan u maamula Gunners ee reer Uruguay Lucas Torreira.

Gilberto Silva ayaa u muuqda midaan ku qanacsaneen qaab ciyaareedka qaab ciyaareedka Lucas Torreira, tan iyo markii uu yimid kooxda reer London ee Arsenal.

Image result for Gilberto Silva and Lucas Torreira

Wargeyska “The Sun” ayaa daabacay wareysi uu bixiyay halyeeyga reer Brazil ee Gilberto Silva waxyaabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa:

“Torreira ma ahan khadka dhexe ay u baahan tahay kooxda Arsenal, kasoo ay raacdo ugu jirtay sida ay ku heli lahayd sanadihii lasoo dhaafay”.

Gilberto Silva ayaa dhinaca kale tilmaamay in Lucas Torreira uusan la mid ahayn sida xidiga khadka dhexe kooxda Chelsea ee reer France N’Golo Kanté.

“Arsenal waxay la dhibtooneysaa sida ay ku heli lahayd ciyaaryahan khadka dhexe ah ee si wanaagsan kubada u difaacan kara, sababtoo ah kubada cagta ayaa isbedeshay”.

“Waxaan arkay kooxo badan ee soo ciyaaray, iyagoo aan heysan khadka dhexe ee daafac ah, kadibna waxay ogaadeen sida ay muhiim ugu tahay booskan ka maqan”.

“Uma maleynayo in Torreira uu yahay xiddiga khadka dhexe ee ku haboon Arsenal, gaar ahaan marka la barbardhigo tayada ay heystaan kuwa kale ay isku booska yihiin, sida N’Golo Kanté iyo Fernandinho”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close